Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Baydhaba kula kulmay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha, oo uu kulkanka ku wehliyey madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa kala hadlay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka “qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada iyo xoreynta” dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo argagaxisada Al-Shabaab ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay nolasha iyo nafiska ay dareemayaan dadka deegannada laga xoreeyey argagixisada ee HirShabeelle iyo Galmudug,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in abaabulka dadweynaha, wacyigelinta dhibaatada argagixisada iyo adkeynta midnimada bulsho ay aas-aas u tahay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu intaas ku daray in taasi ay doorka ugu weyn ku leeyihiin waxgaradka, odeyaasha dhaqanka iyo hay’adaha dowladeed ee Koonfur-galbeed.

“Dhankooda, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku ammaanay ka go’anaanshihiisa ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Sidoo kale, Duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxay soo bandhigeen in ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan sidii uu miro-dhal unoqon lahaa wajiga Labaad ee halganka xoreynta, maadaama dadka Koonfur-galbeed ay u hanqal taagayaan in ay iska xoreeyaan argagixisada.”

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa ka socday gobollada dhexe ee dalka ee maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, welina si rasmi ah ugama billaaban deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

WARARKA