Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

R/ W Xamsa Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Sweden

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa waxa ay uga wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab.

Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalnimadii shalay waxa uu warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern.

WARARKA