Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo Shuruuda adag ku xirtay in gargaar la geeyo Magaalada Gaza

Arabco , October -18- 2023-{HMC} Madaxa Golaha Amniga Qaranka ee Israa’iil, ayaa sheegay gelitaanka gargaarka ee magaalada Gaza ay ku xiran tahay sii deynta maxaabiista ay haystaan Xamaas.

“Soo celinta la haystayaasha, oo indhaheenna ku ah muqadas, ayaa qayb muhiim ah ka ah dadaal kasta oo bini’aadantinimo,” ayuu Hanegbi u sheegay suxufiyiinta.

Xamaas waxa ay gacanta ku haysaa ilaa 250 oo qof kadib weerarkii 7dii October oo sidoo kale lagu dilay, 1,400 Israaliyiin ah iyo kumanaan reer Falastiin oo ku dhintay fal celinta Israel.

Isra’iil waxay ka mamnuucday gelitaanka biyaha, shidaalka iyo cuntada magaalada Gaza waxayna heshay dhaleeceyn la xiriirta iney wado “Ciqaab wadareed” ka dhan ah dhulka go’doonsan ee Gaza oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof.

Dadka ayaa lagu qasbay in ay ceelal ka qotaan meelo badda u dhow si ay biyo uga soo dhaansadaan Gaza oo ay ka dhammaadeen biyihii la cabi jiray sidoo kale waxaa gabaabsi ah shidaalka, Cuntada iyo dawooyinka.

WARARKA