Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH: Nabadoon Goordhaw lagu Dilay Dagmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Arbaco , October -18- 2023-{HMC}  Allaha Unaxariistee Waxaa Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Lagu Dilay Nabadoon ahne Ganacsade Xasan Maxamuud Cosoble oo Kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano Degmadaasi.

Dilkiisa Waxaa ka dambeeyay Nin ay qaraabo dhow yahiin, kaasi oo rasaas ku furay Ganacsadaha, waxaana intaas kadib dhawac ahaan looga qaaday Goobta, ugu Dambeeyn waxaa uu ku geeriyooday isbitaalka Degmada Maxaas.

Ganacsade Xasan Maxamuud Cosoble ayaa Kamid ahaa Ganacsatada ugu waa weyn ee ku nool Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

 

WARARKA