Arboco , October -18- 2023-{HMC} Dowladda Mareykanka ayaa baadigoob xooggan ugu jirta hoggaamiyaal sar sare oo katirsan kooxda AS ee Soomaaliya ka aas aasan , kuwaa oo Mareykanka ku eedeesay in ay galeen dambiyo kala duwan .
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka qaybta bixinta abaalmarinta caddaaladda ayaa lacag abaal-marin ah madaxiisa dul dhigtay hoggaamiye katirsan AS , kaa oo kamid ah ragga sida weyn loo raadinayo.
Mareykanka ayaana lacag abaal-marin ah oo dhan $5 milyan u ballan-qaaday qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado meelna lagu hubsado Abuukar Cali Aadan, oo katirsan hoggaamiyaasha sar sare ee AS.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku xigeenka hoggaamiyaha AS, sannado bandanna uu soo ahaa madaxa milaariga ee al-Shabaab iyo madaxa Jabhadaha.
Dowladda Mareykanka ayaa horey lacago malaayiin dollar ah madaxooda u dul dhigtay hoggaamiyaasha ugu sareeya AS ay ku jiraan Amiirka kooxdaasi Axmed Diiriye iyo sidoo kale Mahad Karatey oo kamid ah ragga ugu saree AS.