Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Biden & Cabdifitaax Sisi oo ku keli noqday kulanka ay uga arrinsanayaan Xaaladda Gaza.

Arboco , October -18- 2023-{HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Masar Cabdifitaax Sisi ayaa ku keli noqday kulankii ballaarnaa ee ay damacsanaayeen in ay ka qaybgalaan Madax badan oo kasoo jeeda Waddamada Carabta si ay uga arrinsadaan xalka xaaladda kasii dareysa ee Gaza ka taagan.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maazin ayaa si cad u sheegay in uu isaga baxay shirkaan oo uu markii horay kamid ahaa madaxda lagu martiqaaday kaddib markii Yuhuuddu ay duqeyn arxan-darro ah ku beegsatay Goobaha Rayidka ee Gaza.

Boqor Cabdallaha labaad ee Urdun ayaa dhankiisa sheegay in uusan qayb ka ahayn kulanka Arbacada maanta lagu wado in uu qabsoomo maadaama caradii uu ka qaaday go’doominta reer Gaza loogu daray duqeyn lagu beegsaday Isbitaalka Al-Ahli Babtist.

War kasoo baxay boqortooyada Sacuudiga ayaa dhankeeda cambaareyn xooggan dusha looga saaray tallaabada Israaiil ay ku duqeysay Goobaha rayidka Falastiin ay ku sugan yihiin sida Isbitaalka Al-Ahli, Xeryo barakac iyo goobo waxbarasho.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo dhowr jeer si cad u sheegay in uu Israaiil garab taagan yahay ayaa haatan xaaladdu ku cakiran tahay maadaama weerarrada Yuhuuddu ay karkaarada jabsadeen waxaana ka dhashay caro xooggan.

WARARKA