Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

C/Raxmaan C/Shakuur ” Lama Dheyalsan Karo Farriimaha Is Daba-Joogga Ah Ee Ka Imaanaya Madaxda Dawladda Itoobiya”

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan u qaabilsan arrimaha gargaarka C/raxmaan C/sjakuur Warsame ayaa walaac xooggan ka muujiyay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed eek u wajahnaa arrinta deked uu u helo dalkiisa.

Mr. Warsame oo sidoo kale ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa madaxda sare ee dalka u diray fariin ah ineysan yareysan hadalka Abiye oo si dhab ah loo qaato, dowladdana ay il-gaara ku heyso damacaasi.

“Lama dheyalsan karo farriimaha is daba-joogga ah ee ka imaanaya madaxda dawladda Itoobiya ee ku aaddan xaq u lahaanshaha in ay Itoobiya hesho meel ay Badda Cas ka gaarto” ayuu ku yiri Warsame qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in ay xeebaha Saylac kamid yihiin goobaha ay kala dooranayaan ee ay tahay in ay Badda Cas ka gaaran.

WARARKA