spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Kumuu ahaa Imaamkaan naafada ah ee Aasaasay Xamaas

Axad-October -14- 2023-{HMC} Sheekh Axmed Ismaaciil Xasan Yaasiin. Waxa uu ahaa aasaasihii ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta iyo urur siyaasadeed kale.

Yaasiin waxa kale oo uu ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka. Xamaas ayaa caan ka dhex noqotay bulshada falastiiniyiinta ka dib markii ay dhiseen isbitaalo, nidaam waxbarasho, maktabado iyo adeegyo kale, balse waxa ay sidoo kale sheegatay mas’uuliyadda tiro weeraro ismiidaamin ah oo lala beegsaday Israa’iil, taasoo keentay in dowladaha reer galbeedka ay ku tilmaamaan urur argagixiso.

Yaasiin, oo ahaa naafo indhaha aan safiican waxba uga arag, ayaa waxa uu kursiga curyaanka saarnaa tan iyo markii uu shil galay isaga oo 12 jir ah, waxaana duqayn ku dilay duuliye Israa’iili ah oo watay diyaarad helicopter ah sannadkii 2004-tii.

Dilkiisa oo ah weerar galaaftay nolosha dad gaaraya sagaal qof, ayaa soo dedejiyay dhaleeceyn badan oo Israa’iil lagala dul dhacay. Dad badan oo indha-indheeya arrimaha Falastiiin ayaa soo jeediyay in falkaasi uu si xun u saameyn doono geeddi-socodka nabadda. 200,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka soo qaybgalay aaskiisa.

Axmed Yaasiin waxa uu ku dhashay al-Jura, oo ah tuulo yar oo u dhaw magaalada Ashkelon, xilligii uu Ingiriisku xukumayay Falastiin.

Taariikhda dhalashadiisa si dhab ah looma oga, balse baasaboorkiisa Falastiin waxaa ku qornayd inuu dhashay 1 Janaayo 1929 kii, inkasta oo uu sheeganayay inuu dhab ahaantii dhashay 1938 dii.

Aabihii Cabdullaahi Yaasiin, wuxuu dhintay isagoo saddex jir ah, waagaas kadib waxa xaafaddii uu degganaa loogu yaqaanay Axmed Sacda oo ah magaca hooyadiis, Sacda al-Habeel, kaas oo loogu yeedhi jiray sababtoo ah aabihii waxa uu dhintay isaga oo yar.

Yaasiin waxaa la dhashay afar wiil iyo laba gabdhood. Isaga iyo qoyskiisa oo dhan waxay u qaxeen Gaza, gaar ahaan xerada al-Shati ka dib markii tuuladiisii ay qabsadeen Ciidamada Israel intii lagu jiray Dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948 dii.

Sanadkii 1958 kii ayuu dhammaystay waxbarashadiisii dugsiga sare, isagoo bilaabay shaqo macalinimo ahayd, labaatan jir markii uu gaaray ayuu ka qayb qaatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday duulaankii saddex geesoodka ahaa ee lagu qaaday Masar sanadkii 1956kii, waxaana beryahaas soo baxday codkarnimadiisii iyadoo dhallinayrada iyo dadkoo dhamba ay u soo joogsan jireen khudbadihiisii soo jiidashada badnaa taasoo keentay inay dabagalaan nabadsugiddii Masar oo waagaa ka talin jirtay gacanka Qasa.

Sanadkii 1965 kii ayay xabsiga u taxaabeen nabadsugida Masar iyagoo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Ikhwaanulmuslimiinka ,isagoo xabsi keli ah ku jirey muddo bil ah.

Sanadkii 1967 kii markii ay Israa’iil wada qabsatay dhulka Falastiin oo gacanka Qasa ku jiro, ayuu bilaabay inuu ku guubaabiyo dadka khudbadihiisii dhiirigalinta ahaa ee uu kaga soo horjeeday gumaysiga Israa’iil ee dhulkoodii boobay, isagoo isla markaana ururin jirey kaalmooyin la siiyo qoysaska laga shahiiday iyo kuwa laga xiran yahay wuxuuna markii dambe madax ka noqday kulanka Islaamka ee gacanka Qasa.

Dhaqdhaqaaqyadiisaasi waxay ka cadhaysiiyeen Israa’iil, taasoo keentay in sanadku markuu ahaa 1982 kii la xidho, laguna xukumo 13 sano oo xadhig adag ah, hase yeeshee 1985 kii ayaa lagu sii daayay iswaydaarsi maxaabiis oo dhexmaray dawladda Israa’iil iyo Jabhadda Shacbiga Xoraynta Falastiin “Hoggaanka Guud”.

Sanadkii 1987 kii ayuu Sh. Axmed Yaasiin kula heshiiyay koox ka mid hoggaamiyayaasha Islaamiga ah ee leh fikirka Ururka Ikhwaanulmuslimiinta aasaasidda urur Islaami ah oo la dagaalama Israa’iil, ururkaas oo loo bixiyay “Dhaqdhaqaaqa Iskacaabinta Islaamiga ah” oo marka la soo gaabiyo loogu yeedho “Xamaas”.

Wuxuu qayb laxaad leh ka qaatay kacdoonkii waqtigaas ka bilawday degaanada Falastiiniyiinta, kacdoonadaas oo loogu magac daray kacdoonkii Masaajidka, laga soo bilaaba waqtigaana waxa uu noqday Aabaha Ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqaas.

WARARKA