Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israel oo isu diyaarineysa duullaan dhulka ah iyadoo falastiiniyiinta Qasa u qabatay muddo

Jimco , October -13- 2023-{HMC} — Israa’iil ayaa u sheegtay Qaramada Midoobay in dhamaanaba falastiiniyiinta ku sugan waqooyiga marinka Qasa ay tahay in ay halkaa ka baxaan oo ay aadaan ama u guuraan dhulka koofureed afar iyo labaatanka saacadood ee soo socda.

Tiknikada israa’iil ayaa isku uruursanaya xuduudaha ay la leeyihiin marinka Qasa, ka hor inta aan la qaadin duullaanka dhinaca dhulka ee aadka loo filayo ee lagu bartilmaameedsanayo Xamaas.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay si adag u codsatay in amarkaas laga laabto, si looga baaqsado xalaad masiibo ay ka dhalan karto tallaabadaas

WARARKA