Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Musharaxii Xisbiga Jamhuurigu soo xuleen oo ka haray tartankii afhayeenka golaha wakiilada Maraykanka

Jimco , October -13- 2023-{HMC} Xildhibaan Steve Scalise oo ahaa musharaxii ay mudanayaasha xisbiga Jamhuurigu u xusheen inuu u tartamo jagada afhayeenka golaha wakiillada ee Maraykanka, ayaa haatan ka hadhay tartankaas, ka dib markii uu ku guuldaraystay inuu kasbado codadka xisbigiisa, si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Xildhibaan Scalise ayaa fadhi xidhan oo ay yeesheen mudanayaasha xisbiga Jamhuurigu, goor dambe oo Khamiistii ah, wuxuu u sheegay go’aankiisa uu kaga hadhayo tartanka.

Illaa haatan lama oga, tallaabada xigta ee la qaadi doono, sidoo kale waxaa haatan hakad ku jira dhammaan shaqooyinkii aqalka wakiillada ee Maraykanka, maadaama uu banaan yahay afhayeenkii goluhu, ka dib markii toddobaadkii hore, si lama filaana xilka looga qaaday afhayeenkii golaha Kevin McCarthy.

Xildhibaan Scalise ayaa labadii maalmood ee ugu dambaysay wuxuu gucle ugu jiray, sidii uu saaxiibadii uga dhaadhicin lahaa, inay taageeraan, hase ahaatee wax guul ah kama gaadhin arrintaasi.

WARARKA