Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWQO SAWIRAQDA} Xasan Sheekh oo kulan ku la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kula qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay {IOM} Amy E. Pope oo dhowaan xilkan loo doortay.

Madaxweynaha oo Agaasimaha ku qaabilay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ay kawada hadleen, sidii loo wanaajin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac, Isbadalka Cimilada oo ka dhasha Barkaca, Tahriibka iyo kororka cunno yarida.

Agaasimaha Guud oo safarkeedii ugu horreeyey ku maraysa waddamada bariga Africa socdaalkeedana kasoo bilowday dalka Ethiopia, ayaa shalay soo gaartay Magaalada Muqdisho, iyada oo sidoo kale kulamo la yeelatay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada.

Hay’adda IOM ayaa hawlo samafal ka sameysa gudaha dalka, iyada si gaar ah gacan uga geysata arrimaha barakacayaasha iyo qaxootigeenna dalka ku soo laabanayaa, kuwaas oo ka yimid dalalka dariska ah.

 

WARARKA