Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka Puntland oo sharraxaad ka bixisay arrin buuq dhalisay

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland, Mudane Maxamed Musadaq Saadiq ayaa soo saaray war xasaasi ah oo buuq xoogan ka dhex dhaliyay baraha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeneka ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri Fudeed Siyasadeed , Qofka Siyaasiga ah waa in uu miisaamaa Hadalkiisa uuna Ka digtoonaadaa inuu ku degdego waxyaalo aan wali waqtigeedii lagaarin”

Hadalkan ayaa waxaa dad badan ay u fasirteen inuu ugu jawaabayo hoggaamiyaha SSC-Khaatuma oo isna ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Puntland kadib markii uu shaaciyay in doorashada soo socota ee Puntland aysan ka dhici doonin deegaanada maamulkiisa.

Maxamed Musadaq Saadiq oo qoraal kale soo saaray ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeedka hadalkiisa wuxuuna sheegay inuu la hadlayay mucaaradka Puntland ee shalay shirka ku qabsaday magaalada Garoowe, kuwaas oo ku goodiyay inay burbureyso Puntland, haddii doorashada soo socota lagu qaban waayo xilligeeda.

Dadka Soomaaliyeed Fududaa war waxaan ka hadlayey Mucaaradka Puntland oo shalay ka hadlay Garowe Gaar ahaan Siyaasiyiinta Doonaya Xilka Madaxweyne oo Khudbadahooda u ekaayeen dagaal ogayaal” ayuu ku yiro sharraxaddiisa dambe wasiir ku xigeenku.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay mucaaradka inay si dajiyaan, maadaama ay weli doorashada ka harsan tahay saddex bil.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Firdhiye uu yahay mas’uul sare oo maamulka maamulka Khaatuma, isla-markaana arrintan ay u taalla reer Puntland oo dhan.

“Firdhiye ma aha Siyaasi oo xil hayn ee waa Masuul Maamula Khaatumo ,Siyaasi waxa ladhahaa waa Qof aan Xil hayn , waxyaalaha aan waqtigeeda lagaarina waa Doorashada sababtoo ah Dawlada Mandate Sadex bilood ah ayey haysataa ee Hala isdajiyo , Arinta Khatumo Waxa ay U taal waa Reer Puntland oo dhan waana arin lagu xalin karo Wadatashi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Puntland.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo adag, waxaana ugu sii darsantay arrinta SSC, maadaama go’aanka ay qaadatay uu sameynayo doorashadeeda.

 

WARARKA