Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo isku raacay musharaxa u taagan afhayeenka aqalka wakiillada

Khamiis , October -12- 2023-{HMC}  Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ayaa iska dhex doortay musharaxa u tartami doona jagada afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka, ka dib markii toddobaadkii hore si lama filaana xilka looga qaaday afhayeenkii hore Kevin McCarthy.

Mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa cod qarsoodi ah ku doortay xildhibaan Steve Scalise, waxaana xisbiga dhexdiisa kula tartamayey Jim Jordan oo haatan ah guddoomiyaha guddi hoosaadka guddida Garsoorka ee aqalka wakiillada.

Xildhibaan Steve Scalise ayaa hortegi doona fadhiga guud ee aqalka wakiillada Maraykanka, isaga oo xilkaas ku guulaysan doona haddii uu helo aqlabiyadda mudanayaasha golaha.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa tiro aad u yar ku hoggaaminaya aqalka wakiillada, iyaga oo haysta 221 mudane, halka xisbiga Dimoqraadigu haysto 212 mudane.

WARARKA