8 Aug 2024 {HMC} Weriye Aisha Abass Tahliil oo ka tirsan wargayska ugu afka dheer Mudisho ee xog-doon ayaa caawa abaaro 07:30 PM koox ka tirsan Al – Shabaab waxa ay ku weerareen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Waxaa la maqlayay rasaaas xoogan oo goobjoogayaashu ay sheegayaan in lagu furay gabadha weriyaha ah ee caawa la beegsaday inkastoo waxyeelo aysan gaarin haddana kooxda dilkaas damacsanayd ayaa goobta isaga baxday.
Si dirqi ah ayay kooxdan kaga badbaaday Weriyaha waxaana rasaasta ku soo baxay ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya halkaas oo iska caabin ay kala kulmeen kooxdii ka tirsanayd Al- Shabaab ee weerarka soo qaaday weriye Aisha Abass Tahliil.
Weerarkan lagu damacsanaa in lagu qaarijiyo wariyaha ayaa dhacay xili ay ka soo laabatay shaqo maalmeedka ee Wargayska Xog- Doon ee ka soo baxa Muqdisho.
Weriye Aisha Abass Tahliil ayaa si wayn wax ka qorta tacdiyada iyo xad-gudubyada ay kooxda Al- Shabaab ugu gaystaan deegaanada ay ka taliyeen Dumarka Soomaaliyeed.
Dhawr jeer sida ay sheegtay weriye Aisha Abass Tahliil kooxda Al- Shabaab ayaa ugu hanjabtay in ay khaarijin doonaan haddii aysan joojin qoraalada ay ka samaynayso tacdiyada ay ugaystaan kooxdaas haweenka Soomaaliyeed , iyadoo oo la kulmaysay maalmihii la soo dhaafay hanjaabyo iyo wicitaano toos ah.
Kooxda Al- Shabaab ayaa inta badan beegsada suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala warbaahinta madax banaan, waxaana jira dilal badan oo ay u gaysteen suxufiyiin dhawr ah oo rag iyo dumarba isugu jira .
Weriyaal badan ayaa dalka isaga cararay cabsi ay ka qabaan kooxda Al- Shabaab iyo sidoo kale caburinta kaga imaanaysa dhanka dowladda Soomaaliya.