Isniin 14, April 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay odoyaasha iyo xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada ee Gobolka Sanaag.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in loo baahan yahay arrimaha xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka bulshada, dib- u heshiisiinta iyo in ay doorkooda ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa talooyin ka dhageystay odayaasha iyo wax-garadka gobolka Sanaag, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa amni iyo horumar.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xalay ku dhawaaqay in SSC Khaatumo yahay maamul kamid ah Dowladda Federaalka, isaga oo xusay in kulamada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ay saldhig u yihiin hirgalinta midnimo buuxda oo dalka la gaarsiiyo.