spot_imgspot_imgspot_img

RW xamse oo dhagax dhigay garoonka diyaaradaha ee laascaanood

Isniin 14, April 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye), ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool.

Mashaariicdaas uu ra’iisul wasaaraha dhagax dhigay, ayaa waxaa ka mid ah dhismaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood.

Sidoo kale, xarumaha mashaariicdaas ayaa ah kuwa isugu jira xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad kuwaas oo bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabeen.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmahii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood dhaga dhigay mashaariic dhowr ah, kuwaas oo laga hirgali doono deegaannada SSC Khaatumo.

WARARKA