Axad 13, April-2025 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa caawa magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada SSC-Khaatumo.
Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Isimada ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda oo bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.
Mudane Xamza ayaa uga mahadceliyey Isimada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyay hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, xubno sar sare oo kamid ah maamulkiisa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Sida qorshuhu yahay ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo Laascaanood, wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa hoggaanka SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladaha ka jira deegaannada maamulkaas.
Waxaa kale oo la filayaa in Xamza Cabdi Barre uu xarigga ka jaro mashariic laga hirgeliyay halkaasi, kuwa kale oo cusubna uu u dhagax dhigo reer Laascaanood.
Sidoo kale inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn dhaqan-galka qorshahan, maadaama ay Somaliland si adag uga hortimid safarka Xamza.
Si kastaba, Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadeysa xilli xasaasi ah oo ay soo baxayaan warar sheegaya in Somaliland ay aqoonsi ka heli karto dawlado waawayn oo uu ugu horreeyo Mareykanka, taas oo ay si weyn u diidan tahay dowladda federaalka.