spot_imgspot_imgspot_img

Ra’iisul wasaare Xamse oo maanta dhagax dhigaya Qasriga madaxtooyada maamulka SSC Khaatumo.

Axad 13, April-2025 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga magaalada Laascaanood ayaa halkaasi ka wada kulamo looga hadlayo horrumarinta deegaannada maamulka SSC Khaatumo.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa dhagax dhigi doono mashaariic lagu horrumarinayo deegaannada maamulka SSC Khaatumo, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Howlaha uu qaban doono Ra’iisul wasaaraha maanta qabanayo ayaa waxaa kamid ah, Dhagax dhiga Madaxtooyadda SSC Khaatumo, Xarruunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xarrig jarka xarruunta NIRA.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa sacaadihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay Odoyaasha Dhaqanka ee deegaannada SSC Khaatumo, isaga oo kala hadlay ilaalinta xasilloonida magaalada

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu tilmaamay midkii midnimada iyo horrumarinta dalka.

WARARKA