Axad 13, April 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Masar kala wareegtay agab ciidan oo ay Muqdisho soo gaarsiiyeen wafdi sare oo ka socday Qaahira.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabad kooban oo lagu wareejinayay agabka ciidanka ay ku deeqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.