spot_imgspot_imgspot_img

Wasaaradda Gaadiidka oo amar degdeg ah kusoo rogtay Diyaaradaha la howlgalo Soomaliya.

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in si degdeg ah loo sameeyo kormeerro badbaado iyo dib-u-shahaado-siinta dhammaan diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka, kaddib shilal duulimaadyo oo isdaba joog ah iyo walaacyo sii kordhaya oo la xiriira amniga hawada dalka.

Amarkan ayaa lagu shaaciyay kulan uu Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista, Maxamed Faarax Nuux, la yeeshay masuuliyiin ka tirsan waaxda duulista rayidka, kaas oo ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaraarku wuxuu waajibinayaa in baaritaanno badbaado lagu sameeyo dhammaan diyaaradaha ku duulaya, kasoo degaya ama ka baxaya Soomaaliya. Inkasta oo aan la cayimin waqti kama dambeys ah, masuuliyiinta ayaa sheegay in baaritaannada si degdeg ah loo bilaabi doono.

“Waa in la hubiyaa in diyaar kasta oo ka duuleysa ama kusoo degaysa Soomaaliya si buuxda loo baaray, loo diiwaangeliyay, lana hubiyay dayactirkeeda,” ayuu yiri Wasiir Nuux.

Tallaabadan ayaa timid kaddib shil halis ah oo dhacay 22-kii Maarso, markii diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay Kenya, nooca De Havilland DHC-5D Buffalo oo ay leedahay shirkadda Trident Aviation, ay ku burburtay deegaanka Ceel Xabaaloow, oo qiyaastii 24km u jirta Muqdisho.

Dhamaan shan shaqaale oo saarnaa diyaaradda ayaa ku geeriyooday. Diyaaraddan ayaa kasoo laabatay howlgallo sahay gaarsiin ah oo ay u fulisay ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Dhoobley. Hay’adaha duulista Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan sababta keentay shilkaas.

Go’aanka cusub ayaa sidoo kale kusoo beegmaya kaddib weerar hoobiye ah oo lala beegsaday garoonka Aadan Cadde 6-dii Abriil, kaas oo masuuliyiinta Soomaaliya ay ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa sababay in shirkadaha Turkish Airlines iyo EgyptAir ay si ku-meel-gaar ah u hakiyaan duulimaadyadoodii. Turkish Airlines ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda 9-kii Abriil, halka EgyptAir ay weli hakisay safarradii isbuucle ahaa ee ay ku mari jirtay Djibouti.

Waaxda duulista rayidka Soomaaliya ayaa si tartiib ah u kobcaysay sanadihii u dambeeyay, iyadoo shirkado duulimaadyo caalami ah ay bilaabeen inay toos uga safraan una yimaadaan Muqdisho, taasoo ay suurtagelisay xasillooni amni oo isa soo taraysa. Si kastaba, dhacdooyin duulimaadyo oo halis ah ayaa weli soo laabtay.

Bishii Janaayo 2024, diyaarad xamuul ah oo Kenyan ah oo gargaar u siday Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa burburtay xilli ay degaysay, taasoo dishay laba qof. Bishii Luulyo 2023, diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa si degdeg ah ugu degtay garoonka Muqdisho, kaddib markii ay la kulantay dabaylo xooggan iyo cilad ka timid lugaha degista. Dhamaan 34 rakaab ee saarnaa waa ay badbaadeen, inkastoo laba qof ay dhaawacmeen.

WARARKA