Sabti 12, April-2025 {HMC} – Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adaha kala duwan ee dawladda, Kumanaan ka mid shacabweynaha reer SSC-Khaatumo ayaa Raysal Wasaaraha Dalka mud. Xamse Cabdi Barre kusoo dhaweeyey gegida diyaaraha ee Laascaanood.
Mud. Xamse ayaa noqonaya Raysal wasaarihii ugu horreeyey ee safar ku yimaaddo deegannadana Ssc-Khaatumo burburkii dalka kaddib. kaas oo noqonaya taariikh cusub oo dadka deegaanka iyo guud ahaan ummadda Soomaliyeed ba ay muddo dheer sugayeen.
Soo dhawaynta ka dib Raysal wasaaraha ayaa loo galbiyey qasriga uu ka degi doono Caasimadda isagoona ku sugnaan doona Laasaanood maalmaha soo socda.
Raysal wasaaraha iyo weftigiisa ayaa inta uu deegaanka joogo ka shaqayn doono hirgelinta iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed oo taabanaya dhammaan arrimaha bulshada. Sidoo kala RW ayaa shirar la qaadan doona madaxda Maamulka SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.