Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maalnimadii shalay shaaciyey in uu socdaal ku tagayo magaalada Laascaanood oo ah xarunta maamulka SSC-Khaatumo, oo dowladda Soomaaliya ay u aqoonsan tahay in uu yahay maamul KMG oo aan helin aqoonsiga maamul gobaleed.
Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlayey munaasabad ah xilwareejin ah oo ka dhacday Wasaadda Gaashaandhiga ayaa sheegay in safarka uu maalmaha soo socda ku tagi doono Laascanood ay si wadajir ah uga sheqaynayaan xafiiska Raiisul Wasaaraha iyo hoggaanka maamulka Khaatumo.
“Waxaan uga mahad celinaya maamulka iyo shacabka SSC Khaatumo rajada wanaagsan ay muujiyeen, Booqashadaasi ma ahan mid wax loogu dhibayo maamul iyo dad gaar ah, laakiin waa mid isku soo dhaweynaysa Bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.
Xildhibaan Ifraax Maxamed Cawad oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo deegaan doorashadoodu tahay gobollada Waqooyi oo ka hortimid socdaalka Wasiirka koowaad ayaa tiri, “Ra’iisul Wasaare Xamsa arrinta Laascaanood halkii uu nabad ku baaqi lahaa waxa ay u muuqataa in uu dab ku sii shidayo.”
Xildhibaan Dayax Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka oo ka falceliyey warka ka soo yeeray Xildhibaan Ifraax ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Dadka diidan socdaalka xoojinta Midnimada ee Raysal wasaare Barre ku tegayo Laascaanood; waa kuwa diidan Qaran mid ah, ee u sheega in la is fahmay.”
Sidoo kale Senator Saynab Tiimbiye oo Sanaag ku metesha golaha Aqalka Sare oo ka falcelisay socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tiri, “Soomaaliya waa mid, silsiladda isu haysana waa Sool iyo Sanaag, weyna dhammaatay xilligii la kala haynayey; qolyaha arki-jiray-doonka ahna iyada oo dacar ka qadhaadh ayey aqbali doonaan.”
Magaalada Laascaanood oo ah magaalo ay dadkeedu si xoogan uga soo horjeedaan kala go’a Soomaaliya ayaa sannadihii u danbeeyay waxaa ka socday dagaallo u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay ku geeriyoodeen dad badan, halka kuwo kalena ay ku barakaceen.