spot_imgspot_imgspot_img

Golaha Ammaanka QM oo ka shirayo xaaladda soomaaliya

Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa qorshaynaya kulan gaar ah oo la asteeyay in uu dhaco 31 abriil 2025, kaas oo looga looga doodi doona xaaladda Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed iyo dukumiintiyo rasmi ah; iyada oo kulankaas uu yahay mid albaabadu u xiran yihiin oo diiradda lagu saari doona amniga, horumarka siyaasadeed ee dalka, iyo horumarka dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo xasilloonida soomaliya. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) James Swan ayaa la filayaa inuu Golaha siiyo warbixin dhameystiran.

Sidoo kale, waxaa la filayo in khudbadiisa ku soo bandhigo horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso ku filnaashaha mas’uuliyadda amniga qaranka, dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo wareejinta mas’uuliyadaha UNTMIS ee dowladda Soomaaliya iyo daneeyeyaasha kale, iyada oo la qorsheeynayo in mashruucani uu soo gaba-gaboobo bisha Oktoobar 2026. dhanka kale, wakiillo ka socda Midowga Afrika (AU) ayaa kulanka ku soo bandhigi doona warbixin ku saabsan hirgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo si rasmi ah u beddelay Hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika (ATMIS) 1-da Janaayo, 2025.

AUSSOM ayaa ku shaqeynaya oggolaanshaha Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2767, kaas oo la ansixiyay 27-kii Diseembar, 2024, iyadoo 14 xubnood ay u codeeyeen oggolaanshaha qaraarka halka Mareykanku uu ka aamusay. Mashruuca AUSSOM ayaa loo aqooonsaday in yahay tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u wiiqdo kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha la xiriira, iyadoo la fududeynayo in mas’uuliyadda amni si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya. Maalgelinta mashruuca AUSSOM ayaa ah Qodob muhiim oo laga doodi doono kulanka taas oo ahayd arrin muran dhalisay intii lagu jiray wadahadalladii qaraarka 2,767.

Sidoo kale, warbixinta Midowga Afrika ayaa laga yaabaa in ay iftiimiso diyaar garowga lagu wajahayo kala-guurka dhaqaale, iyadoo weli ay jiraan walaacyo ku saabsan deeq-bixiyeyaasha iyo xiisadaha juqraafiyeed ee saameynaya ciidamada. Xaaladda amni ee soomaaliya ayaa weli ah mid aan la isku halayn Karin, xilli wali kooxda Al-Shabaab aay khatar weyn ku hayso xasilloonida, inkasta oo ciidamada dowladda ay sameeyeen guulo wax tarleh. Sidoo kale, Diblomaasiyiin ayaa filaya in wadahadallada ay taaban doonaan isbeddellada gobolka, oo ay ku jiraan xiisadaha dhowaan ka dhex aloosmay Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo carqaladeeyay soo xulidda ciidanka AUSSOM.

Kulankan ayaa imaanaya xilli xasaasi ah oo Golaha Ammaanku uu dib u eegayo heerka ay marayso taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyadoo dowladdu ay dadaal ugu jirto horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta iyo dib-u-eegista dastuurka dalka. Natiijooyinka kulanka 31-ka Abriil ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan go’aamada Golaha Ammaanka ee bisha Maajo, markaas oo uu qiimeyn doono in la buuxiyay shuruudihii lagu dhaqan gelin lahaa habka isku-dhafka maalgelinta ee AUSSOM.

WARARKA