spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga oo xilka la wareegay.

Axad, Abriil 06, 2025;{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Wasiirkii hore, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, waxaana labada mas’uul halkaasi ay ka jeediyeen khudbado kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey xafladda, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay Wasaaradda Gaashaandhiga, xilligaan dalka uu ku jiro dagaalka AS.

Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Wasiirkii hore dadaalkiisii muddadii uu xilka hayay, wuxuuna kalsooni buuxda ku muujiyay in Wasiirka cusub uu sii xoojin doono horumarka iyo hufnaanta Wasaaradda.

Xil wareejinta ayaa timid, ka dib markii 17 bishii March ay xilka laga qaaday wasiirka Gaashaandhiga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyada oo xilkaasi loo magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

WARARKA