spot_imgspot_imgspot_img

Koox Oromo kasoo goosatay Daacish oo isku dhiibtay ciidamadda Puntland

Maamulka Puntland ayaa sheegay in saddex nin oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo aan hubaysnayd ay isku soo dhiibeen gacanta ciidamada ammaanka.

Raggan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, balse aan la shaacin magacyadooda, ayaa la xaqiijiyay inay u tageen dad reer miyi ah oo ku nool dhul tirsan buuralayda Calmiskaad, iyagoo sheegay inay kasoo baxsadeen gacanta Daacish ayna doonayaan inay isku dhiibaan ciidamada Puntland.

Afhayeenka howlgalka buuraha Calmiskaad, Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo), ayaa warbaahinta u sheegay in raggan ay u muuqdaan kuwo lagu khasbay inay ku biiraan una dagaalamaan Daacish, balse ay heleen fursad ay kusoo baxsadaan.

Waxa uu sheegay in saddexda nin la geeyay deegaanka Buruc oo hoos yimaada magaalada Boosaaso, halkaas oo loogasii wareejindoono magaalada Boosaaso, si loogu wareejiyo hay’adaha dambi baarista, si ay wareysiyo ula yeeshaan.

Jeneraal Faadhigo ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka horey u hayeen xog muujinaysa in qaar badan oo kamid ah u dagaalamayaasha Daacish si khasab ah loo qortay. Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan xubno lagu dilay isku daygoodii baxsasho darteed.

“Nimankaan caddaanka ah, meel kasta oo ay kasoo jeedaan, waa niman caalami ah. Ma ahan kuwo si sahlan isudhiibiya, in la dilo ayaana ka fudud. Taasi waa waxa ay ku kala duwan yihiin iyaga iyo kuwa Itoobiyaanka ah,” ayuu yiri Jeneraal Faadhigo.

Dhinaca kale, afhayeenka ayaa sheegay in talisyo muhiim ah oo ay kooxda Daacish ku lahayd buuralayda Calmiskaad laga saaray kaddib duqeymo ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah.

Wuxuu sidoo kale xusay in ciidamadu ay tageen goobihii laga saaray Daacish, halkaasna ay ka heleen xabaalo wadareedyo loo malaynayo inay ku aasan yihiin xubno ka tirsan Daacish.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in laamaha amniga ay hayaan xog sheegaysa in xubnihii Daacish ee ku sugnaa togga Miiraale ay firxad yihiin, isla markaana lala socdo dhaqdhaqaaqooda, balse afhayeenku ma sheegin deegaanka ay ku sugan yihiin.

Afhayeenku wuxuu sheegay in muddo todobo cishe ay ku qaadanayso in lasoo afjaro Daacishta firxadka ah, wallow aan ogayn tirada ay yihiin dagaalamaya Daacish ee weli ku dhuumaalaysanaya buuraha Calmiskaad.

WARARKA