spot_imgspot_imgspot_img

Imaaraadka Carabta iyo Turkiga oo ka wada hadlayo horumarinta afrika

Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Imaaraada Carabta iyo Turkiga ayaa yeelanay wareegga labaad ee kulamo ka dhacaya magaalada Abu Dhabi, kuwaasi oo looga hadlayo
xaaladda Afrika, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Burhanettin Duran, iyo Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, Shahbut bin Nahyan Al Nahyan, ayaa si wadajir ah u guddoomin doona wada-tashiyada.

Wadahadalladu waxay diiradda saari doonaan isbeddellada ka socda Afrika waxayna sahmin doonaan meelaha suurtagalka ah ee iskaashi, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiyada guud ahaan qaaradda.

Go’aanka lagu qaatay in si joogto ah loo yeesho wada-tashiyo ku saabsan Afrika ayaa la gaaray intii lagu jiray booqashadii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku tegay Imaaraadka Carabta bishii Febraayo 2022, kaddib kulan dhex maray wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal.

Kaddib heshiiskaas, wada-tashiyadii ugu horreeyay ee u dhexeeya Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsan Afrika ayaa ka dhacay magaalada Ankara 10-kii Oktoobar, 2023.

WARARKA