Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Waxaa maanta kulankoodii ugu horeeyey isugu yimid guddigii lala yaabay ee maalmo ka hor ay xukuumadda Soomaaliya u xil saartay taakulada dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas, waxaana xubno ka ah Cali Xoosh, Cali Xaaji, Xagaa, Bashiir Goobe, Maxamed Amiir iyo Maxamuud Macalin, xulashada guddigaan ayaa abuurtay hadal-heyn, waxayna dad badan aragtidooda ku cabireen in dowladdu aysan dagaalka daacad ka aheyn.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee xubnaha Guddigaan ay maanta yeesheen, waxaana kulanka soo camiray wasiirro kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray garab istaagga ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka dagaallamaya qeybo kamid ah gobollada dalka iyo sidii bulshada Soomaaliyeed “loogu baraarujin lahaa dhagarta ay kooxaha Khawaarijta ah u maleegayaan shacabka.”
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad, ayaa kulankaas ka sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Sidoo kale, wuxuu wasiirradii kulanka yimid ka dalbaday in si isku mid ah loo garab istaago ciidamada geesiyaasha ah ee xoogga dalka.
Cabdisalaan Dhaay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ka doonayaan in ay gacan ka gaystaan difaaca dalka iyo ciribtirka cadowga argagixisada ah.
Dadka Soomaaliyeed ee isha ku haya talaabooyinka ay qaadeyso dowladdu ayaa aad u falanqeeyey markii ay soo baxday magacaabidda ragaan.
Aragtida bulshada ayaa ku saleysan in xubnahaan aysan laheyn tayo loogu xil-saaro dagaalka argagixisada oo ah mid culus oo u baahay qof geesi ah oo ku dhac leh, waxna tari kara ciidamada ama keeni kara aragti lagu guuleysan karo.