Sabti 05, April-2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay xarig uu ku tilmaamay sharci darro oo ay laamaha ammaanka dowladda Federaalka u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.
Farmaajo ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso jihada siyaasadeed ee uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan nooca doorasho ee uu hiigsanayo.
“Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta.
Isagoo ka hadlayay saameynta arrintan ay ku yeelan karto hannaanka dimoqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, Farmaajo wuxuu ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa dib loogu celiyo Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.
“Annaga oo muujinayna iinta uu xadgudubkaani ku yeelanayo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu xorriyaddiisa si deg deg ah ugu soo celiyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka ee sida sharci darrada ah loo beegsaday,” ayuu raaciyay.
“Hay’adaha ammaanka heer Federaal waxaan ku adkaynaynaa waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, iyaga oo ka fogaanaya tallaabooyinka noocaan ah ee wiiqaya kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo sumcaddooda ciidannimo,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ayaa Madaxweynaha hadda talada haya ugu baaqay in uu ka fogaado ficillo sababi kara hubanti la’aan siyaasadeed, isla markaana uu mudnaan siiyo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan mar kale ugu baaqaynaa in uu ka waantoobo ficillada keenaya mugdiga iyo hubinti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku ku jiro, marxaladdan adagna uu mudnaan siiyo soocelinta wadajirka iyo midnimada, si aynu awood ugu yeelanno in Qaranka Soomaaliyeed aynu ka samatabixinno duruufaha amni iyo jiritaan ee ku xeeran,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Farmaajo.