Sabti 05, April-2025 {HMC} Howlgal qorshaysan oo jab xooggan lagu gaarsiiyay AS ayaa ciidanka deegaanku waxa ay ka fuliyeen degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan tuulada Ceelka nuur-gadow halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS.
Howlgalkaan inta uu socday waxaa lagu dilay saddex ka mid ah AS halka ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Xubnihii Ka Tirsanaa AS ee weeraray, iyadoo ciidanka deegaanka ay goobtii ka soo qaateen hub iyo rasaas badan.
Ciidanka deegaanka ayaa xoojiyay howlgalada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka dhuumaalaysanaya kadib markii dowladdu u balan qaaday abaalmarino kala duwan.