Sabti 05, April-2025 {HMC} Wararka aan ka heleyno degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in duqeymo xooggan ay ka dhaceen deegaanno hoostaga degmadaasi.
Diyaarado dagaal ayaa la sheegay in duqeymo xooggan la beegsanayaan saldhigyo ay Alshabaab ku leeyihiin deegaanno iyo tuulooyin hoos yimaada Galcad.
Xiriiro aan la sameynay dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in ay maqlayaan jugta qaraxyo xooggan oo diyaaradaha dagaalka ay la beegsanayaan saldhigyada Alshabaab.
Dhinaca kale, dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo AS ayaa ka dhacay Baraag Sheekh Caamir oo hoos yimaada degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo yimid ka dib markii ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen AS.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay kordhiyeen howlgallada ay ka sameynayaan deegaannada ka tirsan maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.