spot_imgspot_imgspot_img

Booliiska Soomaaliya oo War Kasoo Saaray Xarigga Gudoomiye Xisbi

Sabti 05, April-2025 {HMC}  War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu faah-faahiyay Xarigga Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac oo ah ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiyada dalka oo xalay lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in xarigga Cabdiraxmaan uu yimid kadib markii uu ku kacay falal liddi ku ah amniga qaranka, Islamarkaan ciidanka amniga ee saldhigga booliska Xamarweyne oo waajibkooda gudanaya ay xireen.

“Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, qoraalka Booliiska ayaa lagu sheegay in dhawaan caddaalada la horgeyn doono mas’uulkan oo ku eedeysan inuu dambiyo.

WARARKA