spot_imgspot_imgspot_img

Dowladaha Soomaaliya iyo Asarbajaan oo kala saxiixday heshiis dhanka waxbarashada ah

Khamiis 03, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Asarbajaan Ilham Aliyev ayaa saxiixay wareegto lagu ansixiyay heshiis Iskaashi oo dhinaca Waxbarashada ah oo u dhexeeya Wasaaradda Sayniska iyo Waxbarashada ee Jamhuuriyadda Asarbayjaan iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa ku wargelin doonta dowladda Soomaaliya, marka la dhammeeyo dhammaan habraacyada gudaha ee looga baahan yahay dhaqan galka heshiiska.

Sidoo kale, Heshiiska ayaa ahaa mid ka mid ah dukumeentiyo dhowr ah oo muhiim ah oo lagu kala saxiixday xaflad rasmi ah oo ay ka soo qeyb galeen madaxweynayaasha Aliyev iyo Xasan Sheekh Mohamud oo ka dhacay caasimadda Asarbayjaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Asarbayjaan Jeyhun Bayramov iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa isweydaarsaday heshiiska iskaashiga waxbarashada ee la saxiixay ee uu hadda ansixiyay Madaxweyne Aliyev.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Baku Feb 12, 2025, xilligaasoo uu booqasho rasmi ah ku joogay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

WARARKA