spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo sheegtay waqtiga la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ceelasha shidaalka

Khamiis 03, April-2025 {HMC} Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ceelasha shidaalka ee dowladda Turkiga ka waddo Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta uu shirguddoomiyey Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, looga dhagaystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira.

Wasaaradda ayaa shirka Golaha Wasiirrada ka caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho bishii Oktoobar ee sanadkii na soo dhaafay, ka dib waxa uu loo galbiyey dhankaas iyo xeebaha maamulka Galmudug, halkaas oo howshiisa sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya ka billaabay.

Markabkaan oo kamid ah Maraakiibta casriga ah ee Turkidu sameysteen ayaa la sameeyay sanadkii 2017, waxa uu kaalin firfircoon ka qaadan doona sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd shidaalka, kaas oo la sheegay in uu kaalin wanaagsan ka qaadan doona haddii la soo saaro koboca dhaqaalaha dalka.

WARARKA