spot_imgspot_imgspot_img

Carruur Ku dhimatay Qarax Miino oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo miino oo ay ku dhinteen carruur ay dhaleen xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxyadan oo ahaa kuwa dhulka la geliyo ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo tuulooyinka u dhow, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay carruur iyo xaasas ay dhaleen xubnaha Al-Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo la hadlay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa ka hadlay dhacdadan, wuxuuna xaqiijiyay in carrruur iyo xasaas u dhaxa xubnaha Al-Shabaab ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyadaasi.

Waxa uu tilmaamay in qaraxyada ay si gaar ah uga dhaceen deegaannada ay howlgallada ka socdaan, isaga oo ku eedeeyay in Al-Shabaab ay dhibaatadaasi la rabeen dadka shacabka ah iyo ciidamada isbaheysanaya ee howlgallada ka wada halkaasi.

“Maanta waxa ay u baahan yihiin in laga bad-baadiyo ilmahooda iyo naagahooda, meeqo carruur ah ayaa darraad iyo shalay ku dhintay miino ay iyaga dhigeen oo ilmahoodi ah ogaada maanta waxaan rabnaa inaan ka bad-baadino ilmahooda?” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay in Khawaarijta aysan naxeyn, ayna usoo jeesatay leynta dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan carruurta, haweenka iyo dadka da’da ah.

“Waxaad kale oo ogaataan nimankaas cadowtimada ay qabaan in aysan qof u aabe yeeleen, ninkii hooyooyinkoodii iyo ilmahoodii inta miino u dhigo oo qarxiya asxaan miyay leeyihiin?”. ayuu kusii daray.

Dhanka kale, guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hadalkiisa wata ayaa xusay inay ka go’an tahay in lasii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

“Go’aankeennu waxa uu yahay inaan Shabaab dhulkaan ka tirtirno wax kale qorayga uma wadano, ogaadana dagaalkan inuu yahay naf-hurnimo oo jihaad ah” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan xubnaha kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay dagaal kula galeen ciidamada dowladda, inkastoo markii dambe laga saaray, kadib duqeymo lagu garaacay halkaasi.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay culeys soo saartay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo dib ula wareegtay deegaanno horay looga qabsaday, waxaase hadda soconayo guluf culus oo ay dhankeeda wado dowladda dhexe.

WARARKA