spot_imgspot_imgspot_img

Iran oo laga cabsi qabo in ay weerarto saldhig ciidamada Maraykanka leeyihiin.

Isniin 31, March-2025 {HMC} Wargeyska Telegraph, ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa ku warramay inay Iran qosheynayso inay weerarto saldhigga ciidanka Mareykanka iyo Ingiriiska ay si wadajir ah u adeegsadaan ee ku yaalla jasiiradda badweynta Hindiya ee Diego Garcia,haddii Mareykanka uu weerar ku qaado Iran.

Saldhigan ayaa la sheegay in markii u horreysay Mareykanku geeyay diyaaradaha wax burburiyay ee B-2 oo ah kuwa kaliya ee la aaminsanyahay inay burburin karaan saldhigyada nukliyeerka Iran ee dhulka hoostiisa ku yaalla.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa u sheegay Telegraph, inaysan Iran kala sooci doonin hantida milatari ee Mareykanka iyo Ingiriiska ee saldhigga jasiiradda Diego Garcia oo ah dhul ka baxsan boqortooyadda midowday ee Ingiriiska oo hadana ay maamusho London.

Hanjabaadda Iiraan ayaa jawaab u ah hadal ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo wacad ku maray in uu tallaabo militari ka qaadi doono Tehran haddii aysan heshiis la gaarin Washington oo ku saabsan hakinta barnaamijkeeda Nukliyeerka.

WARARKA