spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kulan wadatashi iskugu yeeray mucaaradka soomaliya.

Axad 30, March-2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey khudbad uu uga hadlay dagaalka Khawaarijta iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ku dhawaaqay gogol uu isugu keenayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, si loogu midoobo dagaalka Khawaarijta.

“Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay dhowr qodob oo mudnaan la siin doono inta lagu jiro dagaalka Khawaarijta, si loo gaaro natiijo rasmi ah; qodobadaas ayaa kala ah:

1- Dowladdu waxay mudnaanta koowaad ilaa saddexaad siin doontaa ciidamada qaranka, tayeyntooda, qalabeyntooda iyo horumarintooda. “Nin lagu seexdow ha seexan, ciidamadeennoow dadkeennu idinkey idinku jiifaan.”

2- “Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in la soo dhaafay xilligii laga cabsan jiray koox yar oo Khawaarij ah, oo aan dalka, dadka iyo diinta midna u naxeyn. Waad ku mahadsan tihiin taageerada aad u heysaan una muujiseen ciidamada qaranka. Ma jirto cid gabaad u noqon karta Khawaarijta. Dhammaan ballamihii aan galnay waxay caddeynayaan in aysan jirin cid loogu dul-qaadan doono garab-siinta Khawaarijta.”

3- “Hoggaamiyaasha siyaasadeed waxaan uga mahadcelinayaa garashadooda wanaagsan ee ah inaan Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha. Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga dalka ee Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray inay garab-istaag iyo gargaar dhan walba leh muddo dheer lasoo garab taagnaayeen umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan qirayaa in muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Xasan Sheekh, Madaxweynaha Soomaaliya.

WARARKA