spot_imgspot_imgspot_img

Sacuudiga oo diyaariyey goobo salaada ciidda lagu dukado

Sabti 29, March-2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in ay diyaarisay 19,000 Masaajid iyo goobo barxado ah oo lagu tukanayo salaadda Ciidda subaxa koowaad ee bisha shawaal 1446 Hijriya.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in goobahaas ay kala yihiin 15,948 Masjid iyo 3,939 Goobo furan oo ay hoos galayaan Garoomada Kubadda Cagta, Goobaha la dhigto Gawaarida iyo meelaha kale ee barxadaha waa weyn ah.

Dowladaha Hoose ee Magaalooyinka, Degmooyinka iyo Tuulooyinka ayaa la faray in ay diyaariyaan goobaha la tilmaamay ee magacyadooda kusoo baxay liiska Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya shaacisay.

Howlwadeennada la geeyay goobaha lagu tukanayo salaadda ciidda ayaa loo dhammeystiray qalabkooda iyo waxyaabaha kale ay u baahan yihiin, sidaas awgeed waxaa diiradda la saaray nadaafadda, gargaarka degdega ah iyo adeegyo kale oo aan laga maarmin.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caawa ku dhawaaqeysa go’aanka la xiriira in berri ay noqoneyso Maalinta koowaad ee soon-fur (Shawaal) iyo in la dhammeystirayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maanta 29 ah.

Mustaqbal

WARARKA