spot_imgspot_imgspot_img

Dalalka islaamka oo caawa raadinayo bisha shawaal

Sabti 29, March-2025 {HMC} Mar kale ayaa caawa Dalalka dunida islaamka laga raadin doonaa dhalashada Bisha Shawaal ee Soonfur, taasoo go’aamin doonta maalmaha Ciidul fitriga ee sanadkan.
Waxaa joogto noqotay khilaaf ku saabsan aragtida bisha, dal kastana wuxuu leeyahay guddi u qaabilsan oo go’aamiya xilliga la soomayo ama la ciidayo, iyagoo tixgeliya aragtida bisha ama jadwal Taariikh ah.

Sacuudiga oo dalal badan iyo jaaliyadaha Muslimiinta dunida ku xiran yihiin wuxuu Ramadaankan ku dhawaaqay inuu bilowday Sabti 1-da Maarso, waxaana caawa oo ku beegan 29-ka Ramadaan la filayaa inay shaaciyaan go’aanka lagu ciidayo.

Khubarada ku xeeldheer Xiddigista iyo Cir-bixiyeenada waxay si cilmi ah u sheegeen in maqribnimada caawa aysan suuragal ahayn in Bishii Soonfur laga arko inta badan dunida xitaa haddii la adeegsado qalabka ugu casrisan; taasoo ay ugu wacan tahay in dayaxu aad u yar yahay oo ugu badnaan 8 daqiiqo uun ka danbeyn doono marka ay dhacdo Qoraxda Bariga dhexe, Yurub iyo Afrika.

Dad badan ayaa aaminsan in Sacuudigu ku dhawaaqi doono in Berri oo ah Axad 30-ka Maarso inay tahay Maalinta koowaad CIIDA, xitaa haddii aysan suuragal ahayn in la arko.
Boqotooyada Sacuudi Carabiya ayaa isticmaasha kalendarka loo yaqaan Ummul-Quraa, kaas oo ku salaysan xisaabinta iyo calaamadaynta taariikhaha muhiimka ah.

Sida ku cad jadwalka Ummul-Quraa ee Sacuudiga, maalinta koowaad ee bisha Shawaal – waxay ku beegan tahay Axadda 30-ka Maarso; waana sababta loo saadaalinayo in Sucuudigu ku dhawaaqi doono caawa.

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa shaacisa in la arkay bishii, laakiin marna sooma bandhigo Sacuudigu sawirka ama Muuqaalka Bisha la arkay, waxaana la ogyahay in xarumaha Cir-bixiyeenada ay awood u leeyihiin inay sawiraan bisha iyo xajmigeeda xitaa Maalinta Cad, iyagoo la adeegsanayo kaamerada sare ee loo yaqaan CDD.

Dalal badan oo Soomaaliya ayaa muddooyinkan danbe Sacuudiga ku raacda dhalashada Soonka iyo Ciidaha, balse waxay dowladda federaalka iyo maamullada kala duwan sheegaan in la raadiyey bishii, kadibna qof ama laba ayaa ku dhiirada inay arkeen bishii.
Dhinaca kale 8 Dal ayuu Ramadaankan u bilowday Axadii 2-da Maarso, kuwaasoo kala ah: Marocco, Iran, Pakistan, Malaysia, Bangladesh, Brunei iyo Muslimiinta dalalka India iyo Ghana.
Dalalkan waxay maanta u ahayd 28, waxayna sida muuqatana Maalinta koowaad ee ciidul fitriga u noqon doontaa Isniinta 31-ka Maarso, markaas oo Bisha Shawaal si caadi ah loo wada arki doono.

WARARKA