spot_imgspot_imgspot_img

Maxay ka wada hadleen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga

Jimco 28, March-2025 {HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga millatariga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, ka dib kulan ay ku yeesheen Ankara maalintii Khamiista, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya (SNTV).

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa si rasmi ah xarunta madaxtooyada Ankara ugu qaabilay dhiggiisa Madaxweyne Erdogan intii uu ku guda jiray booqashadiisa shaqo ee rasmiga ah,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Villa Somalia oo lagu daabacay X.

“Labada madaxweyne ayaa wadatashiyo midho-dhal ah ka yeeshay oo diiradda saaray xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sahminta waddooyin lagu sii xoojinayo taageerada Turkiga oo dhinacyo kala duwan ah, oo ay ku jirto dadaalka socda ee lagu cidhib tirayo argagixisada caalamiga ah” ayaa lagu sii daray qoraalka.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Ankara ee 26-ka bishan ayaa timid ka dib markii Soomaaliya ay soo dhawaysay helitaanka diyaarado nooca qummaatiga u kaca ah oo millateri oo laga keenay Turkiga oo ah nooca T129 Atak.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiis iskaashi millatari ku saxiixday Ankara bisha February 2024.

Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh mid ka mid ah saldhigyada millatari ee ugu weyn ee dal shisheeye uu ku leeyahay, saldhigaasoo ku yaalla Muqdisho, isla markaana waxay tababaraan kumannaan askari oo Soomaali ah.

WARARKA