Jimco 28, March-2025 {HMC} – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xalay magaalada Ankara kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo mar kale xaqiijiyay sida ay Turkiga uga go’an tahay amniga, midnimada dhuleed, iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.
Kulanka oo Khamiistii ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Madaxweyne Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu mudnaan gaar ah siiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana uu sii wadi doono taageerada lagu xoojinayo dadaallada lagu dhisayo nabad waarta oo ay qeyb ka tahay wada shaqeynta Itoobiya.
Turkiga, oo ah xulufo istiraatiiji ah oo muddo dheer la leh Soomaaliya, ayaa si joogto ah u bixiya gargaar bani’aadannimo, tababar ciidan, iyo taageero horumarineed. Erdogan ayaa markale ku celiyay in Turkiga uu sii wadi doono taageerada buuxda ee uu siiyo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Isgaarsiinta Turkiga, labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wadahadlay xoojinta iskaashiga la dagaallanka argagixisada, iyadoo Erdogan uu ballanqaaday in Turkiga uu si adag ula garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.
“Turkiga wuxuu sii wadayaa taageerada uu siiyo Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayuu yiri Erdogan, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga amni ee labada dal.
Intaa waxaa dheer, wadahadallada ayaa sidoo kale diiradda saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, ganacsi, iyo difaaca. Erdogan iyo Maxamuud ayaa ka wada hadlay qaabab lagu horumarin karo ganacsiga labada dal iyo xoojinta xiriirka warshadaha difaaca, taasoo muujineysa sida Turkiga ugu heellan yahay horumarinta mustaqbalka Soomaaliya.
Turkiga ayaa si firfircoon uga qeyb qaata dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, iyo waxbarashada Soomaaliya, waxaana kulanka uu xoojiyay xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal ka dhexeeya.
Kulankan heerka sare ah ayaa iftiiminaya istaraatiijiyadda diblomaasiyadeed ee ballaaran ee Turkiga ee Afrika, halkaas oo uu ka doonayo in uu xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo amni, iyadoo la taageerayo xasilloonida gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilligan u baahan taageero xooggan, ayada oo dalka uu ka socdo dagaal xooggan oo lagula jiro kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dowladda Turkiga ayaa horey Soomaaliya u siisay diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn ee Akinci iyo kuwa helicopter-ka ee dagaalka ee T129 ATAK.