Thursday 27,March 2025 {HMC} TPLF oo ka jawaabtay baaqii Raisil Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ee magacaabista Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Tigray
Abiy Ahmed ayaa la wadaagay shacabka Tigray farriin uu ugu sheegayo dadka gobolkaa in la kala diray maamulkii kumeel-gaarka ahaa ee uu hoggaaminayay Getachow Reda, taas beddelkeeda wuxuu dadweynaha gobolka Tigray awood u siiyay inay e-mail ku soo diraan magaca qofka ay u doonayaan inuu hoggaamiyo maamulka Tigray.
Hogaamiyaha TPLF ayaa ka falceliyay baaqii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee ku saabsanaa magacaabista madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, isagoo sheegay in arrintaasi tahay go’aan bahdil ah oo laga wada tashan una baahan in loo maro hanaan heshiis ah sida ku cad Heshiiskii Pretoria.
TPLF waxay ku adkaysatay in dhismaha maamulka ku-meel-gaarka ah uu ku salaysnaado heshiis rasmi ah oo dhex mara xisbiga iyo dowladda federaalka, sida ku cad Qodobka 10-aad ee Heshiiska Pretoria.
Sidoo kale, TPLF waxay sheegtay in gobolka uu wajahayo caqabado la xiriira sahayda muhiimka ah, taasoo saameyn ku yeelan karta nolosha dadka deegaanka.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa awoodi waayey inuu la yimaado xalka colaadda daba-dheeratay ee isaga iyo TPLF, kaliya ma lumin xalka xiisadda ee xataa Abiy wuxuu ku guul-darraystay inuu gobolka ka helo hoggaamiye awoodda la tartama TPLF , wuxuuna qaatay wax u eg mowqif uu ku dheereynayo khilaafka oo gobolka ayuu u diyaarinaya khalalaase horleh, si uu u tijaabayo sida ay u dhaqmaan TPLF iyo dadka Tigray oo uu eegayo haddii ay jirto fursad ay isaga horimaan karaan, waana marxalad cusub uu gaaraysa is maamullada kale ee ka soo horjeeda Addis Ababa