Khamiis 27, March 2025 {HMC} Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, ayaa xafiiskii u horreyay ee kumeel-gaar ah ka furatay magaalada Boosaaso , iyadoo halkaa ay sidoo kale booqdeen ugu yaraan labo mar tan iyo bishii Jannaayo xubno ka tirsan CIA-da si ay uga taageerraan Puntland dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Dagaalka ka dhanka ah Daacish tan iyo markii uu soo bilowday dabayaaqadii bishii December ee sannadkii hore, waxa uu Mareykanka ku taageerray ciidanka Puntland duqeymo dhinaca cirka ah oo lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Daacishta ku sugan buuraha Cal Miskaad oo hadda lagala wareegay inta badan dhulkii ay ku sugnaayeen, sida ay daahqaaday shabakadda xogaha sirdoon soo bandhigta ee Africa Intelligence oo fadhigeedu yahay dalka Faransiiska.
Xubnaha CIA-da ayaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay inay tababbar siiyeen xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA, halka sidoo kale sirdoonka Ingiriiska iyo Morocco ay la shaqeynayaan CIA-da iyo hay’adda sirdoonka Puntland, kaddib markii la oggaaday xubno badan oo ka soo jeeda Morocco inay ka barbar dagaallamayaan Daacish , kuwaasoo inta badan ciidanka Puntland ay ku dileen dagaalka socda
Morroco ayaa sidoo kale doonaysa inay si adag uga hortagto muwaadiniinta Morocco ee doonaya inay u safraan Cal Miskaad, taasoo horseeday wadashaqeyn ballaaran oo dhexmarta adeegga sirdoonka dibadda ee DGED ee Morocco iyo hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA.