Khamiis 27, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si firfircoon ugu hawlan sidii uu xiriir dhow ula yeelan lahaa maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isaga oo ka faa’iideysanaya siyaasadda cusub ee Trump ee dib loogu soo celinayo xiisaha warshadaha shidaalka, si dhaqaalaha Soomaaliya looga faa’iideysto isla markaana loo xoojiyo iskaashiga dhinaca amniga.
Inkasta oo ay jiraan calaamado muujinaya in xubno ka tirsan maamulka Trump ay doorbidayaan xiriir dhow oo lala yeesho Somaliland oo sheegata inay ka madax bannaan tahay Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sameeyay xiriirro istiraatiiji ah oo muhiim ah gudaha siyaasadda iyo ganacsiga Maraykanka, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Waxaa ka mid ah saaxiibbada muhiimka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku leeyahay Maraykanka Trent Franks, oo ah xildhibaan hore oo Jamhuuri ah, isla markaana ah guddoomiyaha shirkadda shidaalka ee Liberty Petroleum Corporation oo xarunteedu tahay gobolka Arizona.
Shirkadda Liberty Petroleum ayaa haysata xuquuqda sahaminta saddex goobood oo xeebaha Soomaaliya ku yaalla, kuwaas oo leh fursado waaweyn oo lagu kobcin karo dhaqaalaha dalka.
Waxaa la filayaa in heshiiskani uu soo saaro dakhli weyn oo dowladda soo gala, iyadoo sidoo kale abuuraysa fursado shaqo oo muhiim ah oo ka dhalanaya qaybta shidaalka iyo gaaska Soomaaliya.
Franks ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu xiriir dhow la leeyahay xoghayaha cusub ee Tamarta Maraykanka, Chris Wright, oo madax ka ah shirkadda tamarta ee Liberty Energy.
Xiriirkan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u abuuraaya waddo muhiim ah oo uu ku horumarin karo hamiga Soomaaliya ee dhinaca shidaalka iyo gaaska iyadoo taageero laga helayo Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, iskaashigan ayaa la kulmaya caqabado. Bishii Maarso 2024, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa diiday heshiiska shidaal ee lala galay shirkadda Liberty Petroleum, isagoo ku sababeeyay inay jiraan khaladaad dhinacyada sharciga iyo nidaamka. Dhacdadan ayaa muujisay khilaaf gudaha dowladda Soomaaliya uga jira heshiisyada shidaalka ee lala galayo shirkadaha shisheeye.
Waxaa sidoo kale muuqda is-waafajin amni oo labada dhinac dhexmari karta, iyadoo Madaxweyne Trump horay u muujiyay sida uu uga go’an yahay amniga Soomaaliya. Bishii Janaayo wuxuu oggolaaday weerarro milateri oo lala beegsaday kooxda Daacish oo ka hawlgasha Puntland.
Tallaabadan ayaa muujinaysa in Maraykanku diyaar u yahay inuu ka qaybqaato hawlgallada milateri ee Soomaaliya, taas oo ka duwan xilligii hore ee Trump oo ciidanka Maraykanka laga soo saaray dalka.
Joogitaanka joogtada ah ee ciidamada Maraykanka ayaa laga yaabaa inay noqoto arrin muhiim ah oo labada dal ka wadahadlaan, gaar ahaan iyadoo wali jiraan caqabado badan oo ka imanaya kooxaha xagjirka ah iyo xasilooni-darrada guud ee gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay tallaabooyinka go’aanka leh ee Maraykanku kaga hor tagayo argagixisada, wuxuuna uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dhinaca amniga.
Sidoo kale, bishii December 2014, safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington D.C. ayaa qandaraas la saxiixatay shirkadda ololeynta siyaasadeed ee BGR Group, wax yar kadib markii maamulka Biden uu cafiyay deymaha Soomaaliya oo ka badan hal bilyan oo doollar.
Shirkadda BGR Group ayaa loo kiraystay inay bixiso adeegyo xiriir dowladeed ah, si loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.