Arbaco 26, March 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Masar, Cabdelfataax Al-Sisi, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna ka waraystay xaaladiisa caafimaad, kaddib isku daygii weerarka ahaa ee dhowaan lagu bartilmaameedsaday kolonyadiisa gaarka ah meel u dhow qasriga madaxtooyada ee Muqdisho. Wuxuuna Madaxweyne Al-Sisi caddeeyay in dowladda iyo shacabka Masar ay si buuxda ula garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa adkeeyay sida ay Masar uga go’an tahay taageeridda dadaallada dowladda iyo ciidamada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, iyadoo la adeegsanayo faham dhameystiran oo ay ku jiraan dhinacyada fikirka, bulshada, horumarinta iyo amniga. Wuxuuna tilmaamay sida ay Masar uga go’an tahay sii wadidda dadaallada wadajirka ah si loo sahmiyo fursado ballaaran oo iskaashi ah dhinacyada kala duwan, maadaama ay jiraan xiriir walaaltinimo oo qoto dheer iyo dano wadaag ah oo labada dal ka dhexeeya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Masar wicitaanka uu ugu muujiyay dareenka walaaltinimo iyo garab istaagga, isagoo xusay taageerada joogtada ah ee Masar u fidiso Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta kala dhexeysa Masar si loo gaaro yoolalka ay labada shacab ee walaalaha ahi ka leeyihiin xasillooni iyo barwaaqo.