spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo Soo bandhigtay Arrimo muhiim ah uu Turkiga ka taageeray.

Arbaco 26, March 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si qoto dheer ugu mahadcelisay dowladda Turkiga taageerada xooggan iyo garab istaagga ay u fidisay dadaallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, oo la hadlay TRT Afrika, ayaa muujiyay muhiimadda iskaashiga difaaceed ee Turkigu si joogto ah ula garab taagan yahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda xagjirka ah ee muddada dheer carqaladeyneysay xasilloonida dalka.

Wasiir Aweys ayaa carrabka ku adkeeyay in taageerada Turkiga aysan ku koobnayn kaliya dhinaca farsamada, balse ay ka turjumayso walaaltinimo qoto dheer oo xoojinaysa awoodda ciidamada amniga xilli muhiim ah oo dalku wajahayo.

“Xiriirka aan la leenahay Turkiga waa mid waara, ku dhisan dan wadaag iyo iskaashi istaraatiji ah,” ayuu yiri Wasiir Aweys. “Waa tiir muhiim u ah la-dagaalanka argagixisada, xoojinta amniga, iyo horumarinta nabadda waarta ee gobolka. Iskaashigan wuxuu tusaale u yahay sida awoodaha soo koraya ay gacan uga geysan karaan xasillinta iyo dib-u-dhiska dowladaha kasoo kabanaya colaadaha.”

Nabad lagu gutay Ramadaanka

Wasiir Aweys ayaa sidoo kale ammaanay taageerada Turkiga ee bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo ku tilmaamay tallaabo dhab ah oo muujinaysa midnimo iyo garab istaag. Wuxuu xusay in iskaashiga labada dal uu si weyn uga qayb qaatay dadaallada dhismaha nabadda ee Soomaaliya.

“Iskaashigeennu wuxuu ahaa mid lama huraan ah,” ayuu yiri. “Garab istaagga joogtada ah ee ay Turkigu na siiyeen intii lagu jiray Ramadaanka wuxuu muujiyay walaaltinimo dhab ah, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay soo celinta nabadda dalka.”

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa si weyn uga faa’iideystay taageerada Turkiga oo ay ka mid yihiin tababarka dugsiyada milateriga, taageero farsamo, iyo qalab horumarsan oo dhanka difaaca ah. Taageeradan ayaa horseeday horumar la taaban karo, taasoo keentay in Ramadaanka 2025 uu noqdo mid ka nabad badan sannadihii hore ee ay colaadaha iyo amni darridu hareeyeen.

“Iskaashigan awgiis, waxaan markhaati ka nahay Ramadaan deggan oo ka duwan kuwii hore,” ayuu yiri Aweys. “Khayraadka ay ina siiyeen iskaashigan difaaceed ayaa muhiim u ahaa xoojinta hawlgalladeenna milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ay si weyn uga qayb qaateen guulaha aan ka gaarnay dagaalka.”

Xakamaynta dacaayadda Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoggaaminaya dagaal qaran oo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, taasoo Soomaaliya ku haysay argagixiso muddo ka badan toban sano.

Dhawaan, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa guulo waaweyn ka gaartay kooxdaas, iyagoo dilay in ka badan 80 dagaalyahan isla markaana gacanta ku dhigay tiro kale.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xakameynayo warbaahinta faafisa borobogaandada Al-Shabaab, iyadoo xirtay xarumo warbaahineed oo lala xiriiriyay kooxda.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Warbaahinta Soomaaliya ayaa ammaanay tallaabadan, isagoo sheegay inay lagama maarmaan u tahay difaaca shacabka lagana ilaaliyo marin habaabinta iyo adeegsigga khaldan ee diinta.

Waxaa intaa dheer, dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday isticmaalka magaca “Al-Shabaab” warbaahinta qaar, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo saameynta kooxda ee doodaha bulshada.

Wasiir Aweys ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay isagoo mar kale ku celiyay go’aanka Soomaaliya ee ah inay si buuxda u cirib tirto Al-Shabaab. Wuxuu carabka ku adkeeyay in ciidamada amniga oo ay garab taagan yihiin Turkiga iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ay dalka ka xorayn doonaan kooxaha argagixisada ah.

“Waxaan kalsooni ku qabnaa guusha howlgaladeenna, iyadoo aan leenahay meel istiraatiji ah oo muhiim ah gobolka,” ayuu yiri. “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Turkiga taageeradooda joogtada ah. Anagoo la kaashanayna saaxiibadeenna, waxaan cirib tiri doonnaa Al-Shabaab, waxaana dalka dib ugu soo celin doonnaa nabad iyo xasillooni waarta.”

Madax-bannaanida Soomaaliya

Wasiir Aweys ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta caalamka inay ka fiirsato sheegashooyinka ah in xiriirka Turkiga uu saameyn ku yeeshay go’aannadii dhowaan ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sheegashooyinkaas ay si khaldan u matalayaan madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo xusay in hoggaanka dalka uu go’aamada u gaaraa si madax bannaan oo ku saleysan danaha qaranka iyo shacabka.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah, iyadoo u maraysa hannaan waafaqsan himiladeeda amniga, horumarka iyo isku filnaanshaha.

Isagoo xusay in Soomaaliya tahay dal madax bannaan, ayuu adkeeyay inay ka go’an tahay dhisidda xiriir istiraatiji ah oo ku saleysan is-ixtiraam, si mudnaanta loo siiyo amniga, horumarka, iyo xasilloonida dalka

WARARKA