spot_imgspot_imgspot_img

Abiy Ahmed Oo Kala Diray Maamulkii KMG Ahaa Tigrey

Arbaco 26, March 2025 {HMC} Gobolka Tigrey ee waqooyiga dalka Itoobiya, waxaa xilligan ka jira khalalase u dhaxeeya maamulkii gobolkaasi dowladda Federaalka ku matelayay iyo sidoo kale siyaasiyiin caan ka ah gobolka saameyn xooggana ku leh.

Madaxweynihii maamulka Tigrey Gatechew Reda , ayaa isaga cararay magaalada Makelle ee caasimadad gobolka Tigreey, kaddib markii xafiisyadii uu ku shaqeenayay la wareegeen ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee gobolkaasi iyo saraakiil taabacsan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed , ayaa sheegay in xaalad nabdoon u wajahayo dejinta xiisadda ka taagan gobolka Tigrey, waxa uuna Abiy Axmed hadda raadinaya xal aan dagaal aheyn oo lagu soo afjaryo xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi.

Abiy Axmed, ayaa weydiistay dadka kunool gobolka Tigray inay soo magacaabaan murashax noqonaya madaxweynaha KMG ah ee gobolkaas, si meesha looga saaro xiisada siyaasadeed iyo khilaafyada soo laab laabtay ee mar kale abuuri kara colaad dhiig ku daato.

Maamulkii ka jira gobolka Tigrey ayaa hadda u kala jabay labo garab oo kala taabcasan Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Debretsion Gebremikael iyo Madaxweynaha hadda talada haya ee Gatechew Reda, waxaana hadda xafiisyada maamulka gacanta ku haya ciidamo mucaaradka taabacsan.

WARARKA