spot_imgspot_imgspot_img

Xulalka Kubadda Cagta Soomaaliya & Botswana Oo Caawa Wada Ciyaaraya

Talaado 25, March 2025 {HMC} Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Caawa kulan adag oo ka tirsan isreeb reebka Koobka Aduunka ee sanadka 2026-ka ee Afrika kaga hortagaya dhigooda dalka Botswana.

Soomaaliya ayaa Kulankaan oo Caawa ka dhici doono garoonka kubadda cagta Francistown Stadium ee dalka Botswana, ka rajeyneysa iney guul muhiim ah ka gaarto dhigooda Botswana.

Macalinka Xulka Qaranka Soomaaliya Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Caawa Xulkiisa uu doonayo inuu guul weyn kasoo hooyo kulanka ay la cayaari doonaan Botswana.

“Tababarkii ugu dambeeyay ayaan qaadanay, waxaan u diyaarsanahay inaan dhibco muhiim ah ka helno kulanka Caawa aan Botswana gurigeeda kula ciyaareyno, sida kulankeeni hore aan u keenay natiijada muhiimka aheyd, Caawana aan guuleysan doona Insha allah” ayuu yiri Tababaraha Xulka kubadda Cagta Soomaaliya Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali).

Kabtanka Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliya Cabdisamad Cabdillaahi ayaa dhankiisa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney taageero lasoo garab istaagaan Xulka Qaranka Soomaaliyeed.

“Dadkeena Soomaaliyeed waxaan ka codsaneyna iney nagu dhiira galiyaan kulanka Caawa aan la ciyaareyno dalka Botswana, si aan uga gaarno natiijo guul ah, dhiiragalintiina waa inoo muhiim” ayuu yiri Kabtanka Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliya Cabdisamad Cabdillaahi.

Ugu dambeyntii rajada Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa aad u wanaagsan hadii kulanka Caawa ay guul ka keenaan, waxaana xusid mudan in kulankii kan ka horeeyay Soomaaliya lasoo ciyaartay Xulka kubadda Cagta dalka Guinea, waxaana kulankaas uu ahaa mid kusoo idlaaday barbaro 0-0 ah 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talo galay.

WARARKA