Talaado 25, March 2025 {HMC} Suuqyada waa weyn ee magaaladda Muqdisho ayaa saacadahii lasoo dhaafay waxaa si weyn looga dareemaya diyaar garoow ku aadan munaasabadda Ciidda Soon fureed oo maalmo kooban oo kaliya ka harsanyihiin.
Mashquul aad u xoogan ayaa ka jira Suuqyada Muqdisho ee lagu iibiyo dharka iyo kabaha, gaar ahaan kuwa Bakaaraha, Xamar weyne, Suuq bacaad iyo suuqyada kale ee ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.
Suuqyadaan ayaa ah kuwa furan ilaa habeenkii waqtiga dambe, halkaas oo lagu arkayo waalidiin iyo caruur badan oo iibsanaya dharka Ciida Soon fureed, islamarkaana wajiyadooda laga dareemayo farxada u diyaar garowga maalmaha Ciida.
“Maalintii waxaa jirta Cadceed kulul iyo wadooyinka oo mashquul badan waana la sooman yahay marka sidaas ayaa keentay in habeenimo aan soo baxo si aan dhar ugu iibsado caruurteyda, maadama habeenkii qabow uu jiro daalna aanan dareemeen oo aan sooneen” ayuu yiri mid ka mid ah Waalidiinta oo ka dukaameysanaayay Suuqa Xamar weyne.
Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Xamar weyne ayaa dhankooda tilmaamay in dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dhanka iibsiga uu yahay sanadkaan mid ka hooseeya sidii sanadyadii hore.
“Ganacsi ahaan suuqa waa fadhiyay maalmahii lasoo dhaafay oo wax iibsi fiican majirin, waxaa mooda in dhadhaqaaq dhan uu bilawday Xalay, awal 10-ka dambe ee soon markii la gaaro waxaan heli jirnay suuq fiican, marka sanadkan suuqa waa mid liita, taas ayaa keentay inaan habeenkii ilaa 8 saac waqti dambe ah ku gaarno” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa weyn ee Xamar weyne.
Ugu dambeyntii dhamaan suuqyada dharka lagu iibiyo ee ku yaala guud ahaan deegaanada dalka ayaa haatan laga dareemaya u diyaar garoowga Munaasabadda Ciida Soon fureed oo ay inaga xigaan maalmo yar oo kooban.