Talaado 25, March 2025 {HMC} Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa ka wada hadlay qorshayaal ciidan oo aad u xasaasi ah, iyagoo adeegsanaya group chat lagu abuuray App aan loo astayn xogta sirta ah, kaasi oo si khaldan loogu soo daray suxufi, sida uu Isniintii xaqiijiyay Aqalka Cad.
Brian Hughes, oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in fariimaha lagu shaaciyay warbixin gaar ah oo uu qoray Jeffrey Goldberg, tifaftiraha majalladda Atlantic, ay yihiin kuwo dhab ah. Waxa uu intaa ku daray in maamulka Trump uu baarayo sida lambarkan khaladka ah loogu soo daray group-ka.
Lambarkaasi khaladka lagu soo daray ayaa ahaa midka Jeffrey Goldberg, kaas oo warbixintiisa si faahfaahsan uga hadlay kulan muhiim ah oo siyaasadeed, kaas oo dhacay ka hor hawlgal ciidan oo dhacay Maarso 15, kaas oo lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen.
Goldberg ayaa sheegay in wadahadalka lagu soo daray isagoo adeegsanaya barta fariimaha qarsoodiga ah ee Signal, waxaana kusoo daray Michael Waltz, la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Donald Trump.
Ka qayb-galayaasha kale ee muuqday waxaa kamid ahaa madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio, xoghayaha difaaca Pete Hegseth, agaasimaha sirdoonka qaranka Tulsi Gabbard, agaasimaha CIA John Ratcliffe iyo kaaliyayaal kale oo sare, sida lagu sheegay warbixinta Atlantic.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, Hughes, ayaa wadahadalka ku tilmaamay inuu yahay “caddayn muujinaysa heerka sare ee isku-duwidda siyaasadeed iyo wada-shaqaynta maamulka Trump uu ku fulinayay istiraatiijiyaddiisa amniga qaranka.”
Si kastaba ha ahaatee, shaacinta xogtan ayaa isla markiiba dhalisay su’aalo ku saabsan sida maamulka Trump uu uga hadlay arrimaha sirta ah iyo haddii tallaabo anshaxeed laga qaadi doono qofkii ku lug lahaa.
Saraakiisha sare ee maamulka Trump ayaa maalmahan ka digayay inay baaritaan ku sameyn doonaan xog sir ah oo loo dusiyay saxaafadda, iyagoo tusaale usoo qaatay warbixinno dhowr ah oo arrintan ku saabsan. Qaarkood ayaa sidoo kale muddo dheer dhaleeceynayay sida Dimoqraadiyiintu u maareeyeen xogta sirta ah xaalado hore.
Trump oo aan qeyb ka ahayn
Madaxweyne Trump, oo u muuqday inuusan ka mid ahayn wadahadalkaas, ayaa iska fogeeyay arrinkan, isagoo yiri markii maqaalka la daabacay kadib, “Waxba kama ogi arrintan,” wuxuuna intaa raaciyay, “Ma jecli majalladda Atlantic.”
Goldberg ayaa hore usoo jiitay caro badan oo uu muujiyay Trump intii uu xilka hayay kadib markii majalladdu soo qortay sannadkii 2020 inuu si gaar ah u aflagaadeeyay askarta Maraykanka ee ku dhintay dagaallada.
Goldberg ayaa sheegay inuu helay casuumaad uu ku xirmayo App-ka Signal Maarso 11, oo uu usoo diray Waltz. Goldberg, oo adeegsanaya xarafyada “JG” ee barta fariimaha, ayaa sheegay inuu maleynayay in qofka casuumay uu yahay la-taliyaha amniga qaranka, balse sidoo kale uu ka shakiyay inay dad kale iska dhigayaan.
Laba maalmood kadib, Goldberg ayaa sheegay inuu helay ogeysiis laga soo diray Signal oo uu ku jiro wadahadal kooxeed oo cinwaankiisu yahay “Houthi PC small group,” oo tilmaamaysa kulan guddiga sare ee amniga qaranka oo ay inta badan ka qayb galaan wasiirrada iyo saraakiisha kale ee sare.
Akoonada qaar ayaa u muuqday kuwo ay leeyihiin ku-xigeennada saraakiisha sare, sida Andy Baker, la-taliyaha amniga qaranka ee Vance, iyo Dan Caldwell, oo ah kaaliye sare oo u shaqeeya Hegseth.
Vance oo diiday weerarka Xuutiyiinta
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa ku sheegay wada-hadalka inuu aaminsan yahay in maamulka Trump uu samaynayo “qalad” isagoo billaabaya hawlgal milateri oo Maraykanku ku tilmaamay mid furan oo ka dhan ah Xuutiyiinta.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in kaliya boqolkiiba 3 ganacsiga Maraykanka uu maro kanaalka Suweys, halkaas oo Xuutiyiintu ay ka beegsadeen maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta Badda Cas, isagoo sheegay inay jirto “khatar dhab ah oo ah in dadweynaha Maraykanku aysan fahmin sababta hawlgalku muhiim u yahay.”
Hegseth ayaa ugu jawaabay isagoo sheegay inuu fahmayo walaaca Vance, kuna taageerayo inuu arrinta Trump kala hadlo.
Xoghayaha difaaca ayaa sidoo kale xusay inay adagtahay in shacabka loo sharxo hawlgalka, sababtoo ah “dadku ma yaqaaniin cidda ay yihiin Xuutiyiintu,” wuxuuna soo jeediyay in shacabka Maraykanka lagu qanciyo in “1) maamulka Biden uu ku fashilmay joojinta weerarrada iyo 2) in kooxda ay maalgaliso Iran.”
Waxaa muuqday in tani ay ahayd tilmaan ku saabsan fashilkii maamulka Biden ee ka hortagga weerarrada Xuutiyiinta iyo taageerada muddada dheer ee Tehran siiso kooxdaas.
Si ka duwan Vance, Hegseth ayaa soo jeediyay in tallaabo degdeg ah la qaado, isagoo sheegay inay jirto halis ah in qorshaha Trump uu bannaanka usoo baxo ama Israel ay marka hore weerarto kooxda, taasoo ka dhigaysa inay lumaan fursad ay ku bilaabaan arrintan sida ay iyagu doonayaan, sida uu sheegay Goldberg.
Intii qorshaha weerarka uu sii socday, Hegseth ayaa faahfaahin siiyay xog Goldberg sheegay inay khatar gelin karto ciidammada ama sirdoonka Maraykanka, gaar ahaan kuwa ku sugan Bariga Dhexe. Faahfaahintaas waxaa kamid ahaa noocyada hubka iyo sida loo weerari doono bartilmaameedyada Xuutiyiinta.
Sean Parnell, afhayeenka Hegseth, kama jawaabin codsiyo faallo ah oo loo diray Isniintii. Hegseth ayaa diyaarad milatari ugu ambabaxay Aasiya waxyar kahor intaan maqaalka Atlantic lasoo daabicin. CIA iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ayaan iyaguna ka jawaabin codsiyo fal-celin oo loo diray.
Hegseth, oo hore uga tirsanaa ciidanka National Guard iyo taleefishinka Fox News, ayaa horey u sheegay inuu doonayo inuu dib usoo celiyo isla-xisaabtanka Pentagon-ka. Kahor intii aanu maamulka Trump ku biirin, wuxuu sannadkii 2023 dhaleeceeyay waaxda cadaaladda ee aan sida habboon u baarin maamulka Biden oo uu sheegay inuu xogta sirta ah si xun u maareeyay.