Talaado 25, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Muddane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray cisbitaal casri ah oo laga dhisay Degmadda Dacar-budhuq.
Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo sheegay in Cisbitaalkani uu yahay mid daboolli doonna baahida caafimaad ee deegaanka,waxaanu xusay inuu yahay cisbitaal ay dadka degaanku dhisteen,isla markaana ay si casri ah u qalabaysteen,kaas oo sheegay in Xukuumaddu ay Dawooyinka iyo wixii ka dhimman dhammaystireyso, isla markaana ay la wareegayso shaqaalaha iyo dhakhaatiirta,kuwaas oo noqonaya shaqaale Dawladeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo si rasmi ah xadhiga uga jaray Cisbitaalkaas ayaa ku boggaadiyey dadka degaanka tallaabada wanaagsan ee ay qadeen, taas oo uu sheegay in wadda tashiga iyo wax wadda qabsigu uu yahay jidka horumarka.
Madaxweynaha ayaa goobta kaga dhawaaqey in Xukuumadda wadda jir iyo wax-qabad ay maanta laga bilaabo la wareegayso Cisbitaalka iyo Shaqalihiisaba.